Soomaaliya iyo Halgan-ka Dowlad-dhiska: Sababaha Guul-darrada Joogtada ah
Maxay Soomaaliya ugu Guul-darraysatay Dhismaha Dowlad Sal Adag Leh?
Hordhac
Soomaaliya mar bay lahayd dowlad dhexe oo shaqaynaysa, leh hay’ado amni, nidaam maamul iyo kala dambeyn guud. Intii u dhexeysay 1960 ilaa 1991, inkastoo ay jireen caqabado siyaasadeed, haddana dowladnimadu way taagnayd, shacabkuna wuxuu lahaa hal hay’ad oo ay wada aqoonsan yihiin. Burburkii dowladdii dhexe ee 1991 kadib, dalka wuxuu galay marxalad jahawareer siyaasadeed, amni-darro baahsan iyo burbur bulsho iyo dhaqaale.
Firaaqii dowladeed ee ka dhashay burburkaas waxa uu abuurtay xaalad ay meesha ka baxeen hay’adihii amniga, isla xisaabtankii iyo sharciyaddii qaranka. Inkastoo tan iyo xilligaas la sameeyay dadaallo badan oo dib loogu dhisayo dowladnimada, haddana Soomaaliya weli ma aysan gaarin dowlad leh awood buuxda, sharciyad cad iyo karti ay ku gaarto dhammaan dalka.
Qoraalkan wuxuu si qoto dheer u falanqeynayaa sababaha aasaasiga ah ee hor istaagay Soomaaliya inay yeelato dowlad sal adag leh, isagoo si gaar ah diiradda u saaraya amniga, khilaafaadka siyaasadeed, dib-u-heshiisiinta bulshada, nidaamka federaalka, iyo caqabadaha ku xeeran hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.
Amni-darro iyo Deganaansho La’aan Siyaasadeed
Amniga waa laf-dhabarta dowladnimo kasta. La’aantiis, dowlad ma jiri karto, sharci ma shaqeyn karo, adeeg bulshona lama gaarsiin karo muwaadiniinta. Soomaaliya tan iyo 1991 waxay la daalaa-dhaceysay amni-darro joogto ah, taas oo ka dhalatay burburkii hay’adaha amniga iyo kala daadashada awooddii dowladda dhexe.
Gobollo badan oo dalka ka mid ah weli ma gaarin awoodda buuxda ee dowladda federaalka ama maamul-goboleedyada. Arrintan waxay si toos ah u wiiqday kartida dowladda ee ah inay sugaan kala dambeyn, hirgeliyaan adeegyo aasaasi ah, ama qabtaan doorashooyin xor iyo xalaal ah. Meelaha aan xasiloonayn, diiwaangelinta codbixiyeyaasha, qabashada doorashooyin iyo la xisaabtan siyaasadeed aad bay u adkaadaan, taas oo sii fogeysay dhismaha dowlad sal adag leh.
Kala-duwanaanshaha iyo Khilaafaadka Siyaasadeed
Khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya intooda badan kuma saleysna aragtiyo siyaasadeed ama barnaamijyo qaran, balse waxay ku dhisan yihiin qabiil, dano gaar ah iyo loollan awood-qaybsi. Dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ayaa si joogto ah ugu muransan awoodaha dastuuriga ah, kheyraadka dabiiciga ah iyo jihada hoggaaminta siyaasadeed ee dalka.
Khilaafaadkan joogtada ah wuxuu wiiqay kalsoonidii u dhexeysay hay’adaha dowladeed, wuxuuna carqaladeeyay hirgelinta siyaasado qaran oo mideysan. Murannada ku saabsan doorashooyinka iyo habraacyadooda ayaa marar badan sababay dib-u-dhacyo siyaasadeed iyo xaalado hubanti la’aan ah, taas oo sii xoojisay tabar-darrida dowladnimada.
Dib-u-Heshiisiinta Bulshada oo Liidata
Dib-u-heshiisiintu waa tiir muhiim u ah dhismaha dowlad waarta, balse Soomaaliya weli kama aysan gudbin dhaawacyadii qotada dheeraa ee colaadaha sokeeye. Xasaradaha qabiilka, aargoosiga soo jireenka ah iyo kalsooni-darrada bulshada dhexdeeda ayaa si weyn u wiiqay midnimada qaranka.
Inkasta oo la sameeyay isku dayo dib-u-heshiisiin, haddana inta badan waxay ahaayeen kuwo xaddidan ama ku eg heshiisyo siyaasadeed oo u dhexeeya hoggaamiyeyaal, halkii ay gaari lahaayeen heer bulsho. Maqnaanshaha hannaan qaran oo dhab ah oo dib-u-heshiisiin iyo bogsiin bulsho ah ayaa ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee dowlad-dhiska Soomaaliya u noqday mid gaabis ah.
Nidaamka Federaalka iyo Awood-Qaybsiga Beeleed
Nidaamka federaalka waxaa loo qaatey inuu noqdo xal lagu maareeyo kala duwanaanshaha siyaasadeed iyo midka beelaha, balse hirgelintiisu waxay la kulantay caqabado badan. Federaalka Soomaaliya inta badan wuxuu ku shaqeeyaa awood-qaybsi beeleed (4.5), halkii uu ka ahaan lahaa nidaam ku dhisan matalaad muwaadin iyo dowladnimo casri ah.
Dowlad-goboleedyo qaarkood ayaa yeeshay awood siyaasadeed iyo mid amni oo ka madax-bannaan dowladda federaalka, taas oo adkaysay in la helo dowlad dhexe oo xooggan. Arrintan waxay si gaar ah u saameysay hirgelinta siyaasadaha qaran iyo maamulka doorashooyinka, iyadoo dowlad-dhiska guud ee dalka uu noqday mid kala firdhan.
Caqabadaha Doorasho Qof iyo Cod ah
Doorasho qof iyo cod ah waxaa loo arkaa astaan muujinaysa dimuqraadiyad, sharciyad iyo dowlad sal adag leh. Inkastoo ay jiraan dadaallo rajo leh, sida diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Gobolka Banaadir iyo doorashooyinka golayaasha deegaanka ee Puntland iyo Somali-Land haddana doorasho qaran oo qof iyo cod ah weli waxay wajahaysaa caqabado waaweyn.
Amni-darro, tirakoob dadweyne oo la’aan, khilaafaad siyaasadeed, iyo awoodda dowlad-goboleedyada ee ka madax-bannaan dowladda dhexe ayaa ah caqabadaha ugu waaweyn. Si kastaba ha ahaatee, khibradaha maxalliga ah waxay muujinayaan in doorasho qof iyo cod ah ay noqon karto mid suuragal ah mustaqbalka, haddii la helo xasilooni amni iyo is-afgarad siyaasadeed oo qaran.
Gunaanad
Gebogebadii, guul-darrada Soomaaliya ee dhismaha dowlad sal adag leh waxay ka dhalatay isku biirsiga amni-darro joogto ah, khilaafaad siyaasadeed, dib-u-heshiisiin la’aan bulsho, iyo nidaam federaal oo ku dhisan awood-qaybsi beeleed. Inkastoo doorasho qof iyo cod ah ay tahay hadaf qaran oo muhiim ah, hirgelinteedu waxay u baahan tahay xasillooni amni, kalsooni siyaasadeed iyo dib-u-habeyn dhab ah oo qaab-dhismeedka dowladnimo ah.
Kaliya marka arrimahan si wadajir ah loo wajaho oo xal waara loo helo ayay Soomaaliya u dhowaan kartaa dhismaha dowlad sal adag leh oo matasha dhammaan muwaadiniinteeda.
— Omar Muhumed Awale
Falanqeeye Siyaasada Geeska iyo Bariga Afrika